Maxaas, Hiiraan – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ururka 163-aad, Guutada 16-aad, oo kaashanaya Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Howlgallada ayaa gaaray deegaannada Suulnaaye iyo Xawaal Sheekh, halkaas oo ciidamada ay ku beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku guuleystay inay toogtaan laba dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka, iyagoo sidoo kale ka soo furtay hal qori oo noociisu yahay AK-47.
Ciidamada ayaa sii waday howlgalka, waxayna miino baaris ku sameeyeen waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah si looga hortago khataraha ay argagixisadu ku abuuri karaan shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd xaqiijinta amniga dadka rayidka ah iyo xasilinta deegaannada hoostaga Maxaas.
Kumaandooska Danab ayaa qeyb muhiim ah ka ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku howlan howlgallada ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo looga sifeynayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado cadowga, nabad iyo xasilloonina ay ugu naaloodaan.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA SOMALIA=





