Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Toor-Toorow, Mareerta iyo Dugul-Galool ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo ujeeddadiisu ahayd xaqiijinta amniga iyo xoojinta nabadgelyada deegaannadaasi, ayaa ciidamada waxay ka sameeyeen baaritaanno iyo howlgallo lagu baadi-goobayay maleeshiyaadka Khawaarijta goobihii bartilmaameedka ahaa.
Intii uu socday howlgalka, Ciidamada DANAB waxay xoojiyeen amniga shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada lagu sugayo xasilloonida, iyadoo howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta laguna xaqiijinayo amniga guud ee dalka.
Taliska Kumaandooska DANAB ayaa shacabka ku bogaadiyay kaalintooda ku aaddan la shaqeynta ciidamada amniga, si loo sii adkeeyo nabadda, wada-shaqeynta iyo xasilloonida dalka.



















