Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Xooga gaar ahaan Kumaandooska Gor-gor aymaanta howlgal ku dileen Sarkaal Alshabaab ka tirsan iyo ilaaladiisa Deegaanka Buula-naageey.
Howlgalka waxaa si gaar ah u fuliyay Ururka 204 bguuto 20-naad ee kumaandooska Gor-Gor ,ciidamadaan waxaa la sheegay in sidoo kale ay ciidamadu uga hortageen weeraro ay alshabaab la damacsanayeen degaanka.
“Buula-naageey waxay noqotay xabaalaha kooxda Khawaarijta,mana aha markii ugu horeysay oo ay isku dayaan inay deegaankaan soo weeraraan,gor-gor iyo cadowga waa is yaqaaniin mana aha wax xalay oo kaliya ugu horeysayhore ayaan casharo ugu dhignay, Alle ayaana mahad oo dhan iska leh”ayuu yiri lTaliyaha Ururka 204-aad guutada 20-aad laba xidigle C/laahi Cusmaan Ilkacase oo hogaaminayay howlgalkaan.
Ilkacase wuxuu xusay in kumaandooska Gor-gor mar kasta diyaar u yihiin inay ciribtiraan caddowga sida uu warka u dhigay,wuxuu intaasi ku daray inay ciidamadu ku taagan yihiin sabir iyo Alla ka cabsi taasoo ah furaha guusha sida uu sheegay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
