HomeWarkiiKumaandooska Gorgor oo gacanta ku dhigay agab Caafimaad oo loo waday Alshabaab+SAWIRRO

Kumaandooska Gorgor oo gacanta ku dhigay agab Caafimaad oo loo waday Alshabaab+SAWIRRO

Sida Warbaahinta Dowlada lagu shaaciyay Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee Milateriga Somalia ayaa howlgal ay sameeyeen waxay gacanta ku soo dhigeen agab caafimaad oo loo waday kooxda Alshabaab.

Kumaandooska Gorgor waxay howlgalka ka fuliyeen Gobolka  Shabeelaha hoose gaar ahaana deegaanada Godey, Guumeys diid iyo Aybutey.

Agabka caafimaad ee la qabtay waxaa ka mid ah daawooyin kala duwan oo cirbado ay ku jireen kuwaasoo loo waday deegaanada Alshabaabku ka taliyaan.

Maaha markii ugu horeysay oo Ciidamada Dowladu gacanta ku dhigaan hub,raashin,gaadiid ama agab aafimaad oo Alshabaab loo waday balse marar badan ayay Dowladu soo bandhigtay waxyaabaha ay ka qabto Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
May be an image of textNo photo description available.May be an image of medicine and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -