TEL AVIV (DAYNIILE.COM)-Isu soo bax ka mida kuwii ugu balaarnaa ayay dhigeen shacabka reer Israa’iil kuwaasoo ay horkacayan qoysaska la haheystayaasha ay gacanta ku hayaan Xamaas iyagoo diidan qorshaha Natenyahu ee ah inuu qabsado qeybo ka mid ah Qaza.
Dadka isku soo baxay waxaa lagu sheegay inay garayaan 100kun ruux dad ah kuwaasoo si weyn u diidan qorshaha Natenyahu xili Xamaasna si dad-ban u sheegtay inay leyn doonaan lahaystayaasha hadii Yuhuudu dagaalo dheerad ah ku soo qaadaan Qaza iskuna dayaan inay qabsadaan.
Isu soo baxaaan aadka u balaarnaa wuxuu xalay ka dhacay waddooyinka Tel Aviv ee xarunta u ah Yuhuuda,shacabka waxay dalbadeen in guud ahaan dagaalka Qaza lagu badalo nabad iyo in laga shaqeeyo sidii xamaas heshiis loogula geli lahaa sii deynta lahaystayaasha Yuhuuda.
Shacabka Yuhuuda ee xalay isku soo baxay waxay siteen boorar ay ku xardhan yihiin sawirada ahaytayaasha Israa’iil ee Qaza lagu heysto.
Qaar ka mid ah qoysasja la heystayaasha ayaa ugu hanjanay Natenyahu in hadii uu dagaal qaado islamarkaana la laayo dadkooda ay iyaguna beegsan doonaan oo ay xafiiskiisa ku weerari doonaan.
”Waxaynu ku soo gabagabaynaynaa farriin toos ah oo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ku socoto, haddii aad isku daydo inay qabsato qayb kamid ah Qaza oo la haytayaashana la dilo, weynu kugu soo raadsanaynaa magaalada, inta lagu jiro ololayaasha doorashada iyo dhammaan wakhti kasta iyo goob walba”ayay tiri Shahar Mor-Zehero oo ehel la ah mid kamid ah lahaytayaasha la dilay sida ay BBC Somali shaacisay
DAYNIILE.COM


