Warbaahinta reer Galbeedka iyo waliba madaxdooduba waxba kama soo qaadaan dhiiga Muslmiinta ee maalin kasta iyo saacad kasta ay daadineyso Yuhuudu .
Markii diyaaradaha Yuhuudu dilaan hal shaqsi ama shaqsiyaad ka tirsan ha’adaha samafalka waliba kuwa reer Galbeedka ama xitaa  la dilo shaqsi yuhuud ah àad bay u buun buuniyaan warbaahihta dunida qaarkood.
Shalay waxaa aad loo hadal hayay  7 shaqaale oo ka tirsan hay’adaha samafalka kuwaasoo gaari ay wateen ay duqeysay diyaarad dagaal oo Israa’iil leedahay.
Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa la yaab lahayd sidii uu u hadkay kadib weerarka lagu laayay shaqaale ka tirsan Hay’ad dalkiisa laga leeyahay.

Biden wuxuu cambaareyn kadib faray madaxda Isra’iil inay baaraan dhacdada islamarkaana sharciga la hor keeno askarta ka danbeysa weerarkaasi xili uusan waligiisna dhihin hala soo qabto kuwii laayay shacabka kumanaanka kun ah ee reer Falastii

Dhimashada shacabka Gaza waxay mareysaa 32 kun iyo ka sii badan kuwaasoo u badan caruur,wayeel iyo dumar tan iyo 7-dii Oktobar ee sanadkii 2023-kii.

Advertisement

Hadii dunidu dhibsaneyso  dhiiga shacabka ah ee la daadibayo waa inay xal u keenaan shacabka Qaza ee la yaryareysanayo dhiigooda sida ah qabaan dadka muslimiinta ah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleHaweeney Somaliyed oo shaqa Dowladeee ku weysay qoraal ay baraha bulshada ku qortay
Next articleDhul gariir dhimasho iyo burbur gaystay oo ka dhacay Dalka Taiwan+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here