Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay saqdii dhexe howllgal qorsheysan ka fuliyay Tuulada Baqooqaha., oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubadda Hoose.
Howlgalkaas oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, waxaana ku jiray horjoogeyaal muhiim ah oo xogtooda iyo magacyadooda si rasmi ah dib laga soo gudbin doono.
Ciidankaa Xoogga Dalka gaar ahaan Danab ayaa sii wadaya gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana howlgallada noocan oo kale ah ay caddeynayaan sida ay Ciidanka Xoogga Dalka ugu heelan yihiin difaaca dalka, shacabka, iyo xasilloonida guud ee dalka.
Wixii faahfaahin dheeri ah, la soco wararkeena xiga.

