Maxamed Soomaali ama dhagaxtuur wuxuu ahaa geesi Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaal Muqdisho ka dhacay 1949-ki waxaana dilay gumeystihii Talyaaniga isagoo markaas kamid ahaa shacab Soomaaliyeed oo sameeyay Kacdoon gumeysi diid ah. Magiciisa waxaa caan ka dhigay inuu ka dhex-muuqaday shacabkii dhagaxa tuurayay Maaddaama uu ahaa nin xoog badan oo tuuri karay dhagax miisaankiisu culus yahay waxaana lasoo guuriyay in gaaladii Talyaanigu u adkeysan waayeen weerarradiisa ayna si gaar ah u bar-tilmaameedsadeen.
Maxamed Soomaali dhalasho ahaan wuxuu kasoo jeedaa Beesha Hawiye
Gaar ahaan Karanle
Kana sii ah Murusade Foorculus Habar maxamed Hillibi.
Abtirkiisa rasmiga ahna waa kan
Maxamed
khayre
Rooble
Cumar
food
xasan
macallim
cigalle
Omar
Isxijiwaaq
hilibi
Maxamed
Foorculus
Wacays
Jeelle
Warwaaq
Xeyle
Ximyar
Makahsan
Wacayle
Kilbaar
Mursal ( Murusade)
Waadeerre
Karanle
Hawiye
Mustaf Cali Axmed Kheyrre oo uu awoowe u yahay lana dhashay awoowgii aabbihii dhalay aanna kasoo xigtay abtiriskiisa wuxuu ii sheegay in awoogii Dhagaxtuur ama Maxamed Soomaali maalinta la dilayay ay u doonneyd gabar uu guursan lahaa balse nasiib darro dhaqaalihii uu ku aroosi lahaa tacsi loogu dhigay. Intaas wuxuu ku daray Mustaf Cali Axmed Kheyrre awoowgey wuxuu Madi noqday maalintii la dilay Walaalkii Maxamed Kheyrre ama Dhagaxtuur. Waxaa kale oo Mustaf Cali Axmed Kheyrre ii sheegay iney jirtay Caasho Kheyrre oo la dhalatay dhagaxtuur Kana mid ahayd ururki leegada dadka Hawiyana uu kusoo degi jiray gurigeeda.
Ilaahey ha u naxariisto Mujaahid Dhagaxtuur iyo intii dalka usoo dhimatay ee nasoo gaarsiisay waddan xor ah.
War waa jimcee adinkuna u duceeya Mujaahidka.