Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq oo ah degaan doorashada labaad ee Jubbaland waxaa ay ku qabteen doorashada 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.

Kursiga Koowaad ee Hop#119 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagup Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Kursiga labaad ee Hop#065 ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaan kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay ee Aadan Ibraahim Isaaq.

Kursiga Saddexaad ee Hop#090 oo ay ku tartameen Xassan Cabdi Axmed & Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa Guddiga doorashooyinka shaaciyeen inuu ku guuleystay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin oo kursigan horay ugu fadhiyay.

Kursiga Afaraad ee Hop#102 ayaa waxaa markale ku guuleystay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim oo horay ugu fadhiyay kursigaan kadib markii uu la tartamay Mustaf Maanow Geedi.

Kursiga Shanaad ee Hop#087 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Cali Xuseen ayaa waxaa Maanta doorashadii ka dhacday Ceelwaaq ku guuleysatay Aamino Xuseen Cali.
Kursiga lixaad ee Hop#216 oo uu ku fadhiyay Dr Cabdi Cali Xasan ayaa waxaa Maanta doorashadii ka dhacday Ceelwaaq ku guuleystay Faarax Macalin Bishaar, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland, isaga oo la tartamay Xassan Aadan Xassan.

Kursiga Todobaad ee Hop#116 oo uu horay ugu fadhiyay Cabduqaadir Aadan Nuur ayaa laga dhigay Qoondo Haween, waxana ku guuleysatay Duniyo Cismaan Yuusuf oo la tartantay Xaawo Khaliif Dubad.

Kursiga Sideedaad ee Hop#091 oo uu ku fadhiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Aadm Isaaq Cali ayaa waxaa Maanta loo doortay Cabdiqaadir Xuseen Cabdi oo la tartamay Cali Guurre Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here