Kursiga Xildhibaan Xuseen Iidow oo Halis ku jira iyo Villa Soomaaliya oo Qorshe cusub wada!

Warar aan kasoo xigtay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in uu socdo Qorshe la doonayo in meesha looga saaro Kursiga Xildhibaanimo uu hada ku fadhiyo Xildhibaan Xuseen Iidow oo mar kale damac uga jiro in kursigaasi ku fadhiisto.

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in olole xoogan ugu jirto in kursiga uu ku fadhiyo Xuseen Iidow la siiyo Beesha Abakar oo hal kursi ku leh Golaha Shacabka halka Beesha Habar Idinle horey u heesatay labo kursi oo kala ahaa Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.

Qorshahan ka socda Villa Soomaaliya uu taageerayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu doonayaa in Abakar la wareegaan kursiga Xuseen Iidow sidaasna ku qaataan labo kursi oo mid kamid ah Dumar la siinayo halka kan kalana rag loo qoondeeyay.

Villa Soomaaliya ayaana qorshahan ka gadeysa Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, waxaana hadii sida hada qorshaha loo wado u hirgalo meesha ka bixi doono Damacii Xuseen Iidow iyo beeshiisa oo horey labo kursi u heestay.

Senator Dhagdheer ayaa dhankiisa wada olole isna lagu difaacayo kursiga beeshiisa heesato, waxa uuna ku cadaadinayaa Madaxweynaha Galmudug in kursigaan yahay lama taabtaan uuna mudan yahay mar kale Xuseen IIdow.

Beesha Sabti oo ka kooban Cabdalla Sabti iyo Majaba Sabti ayaa afar kursi oo mid kamid ah Aqalka Sare yahay ku leh Baarlamaanka federaalka, Majabane Sabti ayaana horey u qaatay kursiga uu Cabdalla lahaa waxaana kursigaasi oo Majabe ka dhaxeeyay sii qaatay Habar Idinle gaar ahaan Jufada Ayaansame , lamana oga in loolankan cusub ee Abakar wadaan uu guuleesan doono iyo in kale.

Loolankan ka dhax bilowday Abakar iyo Habar Idinle ayaa sidoo kale fursad u ah beesha Cabdalla Sabti oo iyana doonaya in sanadkan Kursiga Haweenka laga wareejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here