Markan isku soo sharaxay kursiga Xildhibaanimo ee Sumadiisu tahay HOP025 waxaa igu soo batay weydiimo dhinacyo kala duwan iiga imaanayay oo lahaa kursigan Dumar ayaa loo qoondeeyay kuna fadhisa sideed ugu tartami kartaa ?

Waxaan jecleestay in aan halkaan jawaab kooban ka siiyo asxaabtii su’aashan isoo weediisay.

Kursigan HOP025 ma ahan mid Dumar kaliya loo qoondeeyay , kursigan ayaan soo bilowday sanadkii 2004-tii Dowladii lagu soo dhisay dalka Kenya, waxaana kursigan mudo 8-sano ah ku fadhiyay rag halka 8-dii sano ee xigtay dumar ku fadhisay.

Beesha iska leh kursigan ee Daguuro Maxamed ayaa waxaa ka dhax jira cadaalad ku saleesan in labo xiliba kursiga loo kala qaato, hada waxaa bilaabanaya 8-dii sano ee kursigan raga ku matali lahaayeen Beesha maadaama 8-sano ee dumarka soo dhamaaday.

Beesha Murusade oo Baarlamaanka Aqalka Hoose ku leh 7-Xildhibaan ayaa waxaa dumarka loo qoondeeyay labo kursi, waxaana xusid mudan labada kursi ee Dumarka ku fadhiyaan in iyaga kaliya xaq u laheyn balse uu yahay mid wareegta ah oo beesha dhax yaala marba la doonayo in qolo qaadato.

Kursiga HOP025 Sanadkan waxaa iska leh kuna matali doona rag , waxaan leeyahay raga beesha ku jira ha cabsanina isku soo sharaxa dhagahana ka fureesta dadka meelaha wada beenta ah kursigan waa mid u xiran dumar .

#Wabilaahi #Towfiiq

Musharax Xildhibaan Cabdiraxmaan Macalin Xuseen 2021-2025

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here