Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku xigeenka koowaad ee gobolka Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qeyb galay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga ee Dowladda Federaalka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre iyadoo madashaas ay goobjoog ku ahaayeen wasiirro ka tirsan XFS iyo dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Kusimaha Duqa Magaalada, Mudane Ciise Maxamuud Guure waxa uu dhalinyaradii u sheegay in aan hadal lagu soo koobi karin muhiimadda ay Dhallinyaradu u leedahay dalka, waxa kale oo u sheegay in ay ahayn oo kaliya hogaamiyayaasha mustaqbalka balse ay yihiin hogaamiyayaasha maanta lagana sugaayo in ay ka qeyb qaataan la dagaallanka ay dowladda iyo shacabkaba ay kula jiraan khawaariijta, sababtoo ah waa cadowga ugu wayn ee ka soo horjeeda jiritaanka qaran Soomaaliya.



