Waxaa jiro Dad ahaa wadaniyiin, jeclaa in wadankoodu horuumaro, kuna shaqeynayay Somalinimo. Laakin, Caadada somalida ayaa noqotay in la xuso kuwa wax dilo, waxna dulmiyo Dantii ay doonaan haka lahaadaanee. Dhinaca kale fursad lama siiyo kuwa wanaaga jecel waxaa lagu caburiyaa Qabyaalad isla qabiilka dhaxdiisa ama heer Qaran. Maxaad u maleeynee Hadda oo aan Federal qabiileysan qaadanay sida loo caburi karo fursadaha kuwa wanaagga jecel.
1. Sh. Cabdi Abiikar Cusman ( Bariire) AUN, waxa uu ku Barbaaray Deegaana k/Galbeed. Waxa uuna jeclaa in uu ka qeyb qaato horuumarinta Dalka xuriyadda kadib.
Wakhtigaa Qabyaalad wax laguma qeybsaneyn ee waxaa wax lagu qeybsanayay, yaa wax qaban karo.
Sanadkii 1956 waxa uu noqday Gudoomiyihii Labaad ee Gobalkii loo yaqiin Majeerteenya oo maanta loo yaqaan Gobalka Bari. Waxaa uga horeeyay Md. Cali Cumar Sheegow oo isaga laftiisu ka yimid K/Galbeed. Labadaba waxaa lagu soo xulay aqoontooda. Sh. Cabdi waxa uu salka u dhigay maamulkii Gobalka xuriyadda ka hor.
Markii laga soo bedelay, waxaa isku qabsaday Maamulkii Jubada sare iyo Hiiran kii uu Gudoomiye ka noqon lahaa. Baydhabo iyo Baladweyne.waxaa isku qabsaday Md. Cabdulqadir Soobe iyo Sh. Cali Jimcaale. Markii Dambe odayaal Adeeradii ahaa ayaa soo dhaxgalay, waxa ayna go’aamiyeen Baladweyn iyaga oo ku sharfayo codsiga walaalahood, si uu Gobalka maamulkiisa salka ugu dhigo.
Maamuladii Gobanima doonkii ay salka u dhigeen waxaa helay Maafiyo, Maal iyo mansab doon ahaa. Taariikhduna waa hilmaantay Sh. Cabdi Abiikar iyo kuwii la midka ahaa. ( F.S:1aad)
2. Sh. Ibrahim Adan Cabdiyow, oo loo yaqiin “Sh. Yarow Cabdiyow”.
Waxa uu ku dhashay Magaaladda Buur hakabo sanadkii 1934. Markii uu halkaa ku dhameeystay Dugsiga Hoose waxaa uu u soo wareegay Deegaanka Ceel Muunye ee Magaaladda Marka 1950kii, halkaa oo uu ku dhameystay Barashada Culuumta Beeraha 1954, kadibna waxa uu ku biiray ” Xisbi Daatuur Al Mustaqbal Al somal- HDMS” .
Dilkii siyaasadeed ee Gudoomiyihii Xisbiga Ustaad Osman kadib, waxaa loo doortay Xoghayihii Xisbiga si loo helo dhalinyaro daacad ah oo xisbiga iyo Dalkaba horuumarin karto. Daakhikiyadii waxa uu ku jiray Dadkii isku soo sharaxay Ra’isul wasaare ee looga guuleystay.
Isaga oo sii wato Howlihiisii siyaasadda, sanadkii 1959kii waxa uu tagay Magaaladda New York si uu uga qeyb galo kalfadhigii 24aad ee Golaha UN halkaa oo uu ka jeediyay khudbad taariikhi ah.
Xuriyadda kadib waxaa uu la kulmay culeeys siyaasadeed iyo mid qabiil laakin uma hakan.