HomeCiyaarahaKylian Mbappé oo aad uga xumaaday go’aankii Florentino Perez uu ku ceyriyay...

Kylian Mbappé oo aad uga xumaaday go’aankii Florentino Perez uu ku ceyriyay Alonso!

XIGASHO LAACIB.NET

Warar ka soo baxay warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaya in Kylian Mbappé uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha sida weyn uga xumaaday ceyrintii Xabi Alonso ee kooxda Real Madrid.

Sida ay werisay jariiradda L’Equipe, Mbappé ayaa sameeyay wax kasta oo uu awooday si uu uga hortago in Alonso xilka laga qaado. Tani waxay sharraxaysaa sababtii uu xiddiggan ugu adkaystay inuu ka qayb galo final-kii Super Cup-ka Spain ee ka dhacay dalka Sucuudiga, isagoo markii hore la dhibtoonayay dhaawac fudud.

Mbappé ayaa dareensanaa in haddii Alonso uu ku guuldarraysto kulanka Barcelona, in maamulka kooxdu ay ceyrin doonaan, sidaas darteed wuxuu u safray Jeddah isagoo isku dayaya inuu badbaadiyo booska tababaraha uu ixtiraamka weyn u hayo.

Nasiib darro, dadaalkaas ma dhalin natiijadii la rabay ka dib markii Real Madrid looga adkaaday 3-2 ciyaar xiiso badneyd, waxaana Alonso shaqada laga cayriyay wax ka yar 24 saacadood ka dib markii ay kooxdu ku laabatay caasimadda Spain.

Arrintan ayaa muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhaxeeyay Mbappé iyo Xabi Alonso, iyadoo xiddigga reer Faransiis uu hadda wajahayo xilli-ciyaareedka inta ka dhiman isagoo ka hoos ciyaaraya Álvaro Arbeloa.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -