XIGASHO LAACIB.NET 
Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa goolal ka dhaliyay kulankii martida ay ahayd kooxdiisa ee wareegga 8-aad ee marxaladda group-yada Champions League, kulankaas oo ay la ciyaareen Benfica.
Xiddiga 27 jirka ah ee reer France ayaa goolka furitaanka dhaliyay daqiiqaddii 30-aad, kaddib kubbad uu ka helay Raúl Asensio. Mbappé ayaa markale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 58-aad ee ciyaarta.
Mbappé ayaa sidaas ku noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda Champions League ee 13 gool ka dhaliya marxaladda group-yada, isagoo jebiyay rikoorkii uu haystay Cristiano Ronaldo.
