HomeCiyaarahaKylian Mbappe oo magacaabay saddexda Koox ee ugu awoodda badan Premier League

Kylian Mbappe oo magacaabay saddexda Koox ee ugu awoodda badan Premier League

XIGASHO LAACIB.NET

 Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa ka hadlay tartanka horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, isaga oo tilmaamay in Arsenal ay noqon karto koox awood leh.

Liverpool ayaa xilli-ciyaareedkan bilow fiican sameeysay, iyadoo guul ka gaartay saddexdii kulan ee ugu horreeyay, oo ay ku jirto guul dhowaan ay ka gaartay Arsenal. Si kastaba, Mbappé ayaa aaminsan in Gunners ay sidoo kale tartan adag gali karto.

“Dabcan, Liverpool waa in marka hore la xuso, maadaama ay go’aan ku gaareen inay koobab kala duwan ku guuleystaan.

Laakiin anigu waxaan rajo weyn ka qabaa Arsenal, maadaama ay heysato ciyaartoy is garanayay muddo dheer, taasoo muhiim u ah kubadda cagta. Manchester City-na mar walba waa kuwo hore u socda, iyada oo Pep Guardiola iyo Erling Haaland ay hogaaminayaan,” ayuu yiri Mbappé.

Markii la weydiiyay kooxda uu doorbido, wuxuu ku jawaabay: “Taas way adag tahay. Waxaa laga yaabaa Arsenal, waxaa laga yaabaa inay noqoto sanadkooda. Laakiin waxa fudud in la sheego waa City ama Liverpool.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -