XIGASHO LAACIB.NET
Kylian Mbappé isku daygiisii ahaa inuu ku abaal-mariyo askari booliis ah oo ka mid ahaa qolada ammaankiisii sugaysay Koobkii Adduunka ee u dambeeyay ayaa si lama filaan ah u noqotay mid dhibaato weyn keenta, taasoo sababtay in askarigaas lagu qasbo hawlgab degdeg ah.
Xiddiga reer France ayaa askariga mas’uulka ka ahaa sugidda ammaankiisa ku wareejiyay €60,300 oo ka mid ahayd gunnadii uu ka helay tartanka, isagoo u arkayay tani inay tahay fal wanaagsan oo lagu qadarinayo shaqadiisa daacadnimada leh.
Si kastaba ha ahaatee, askariga ayaa ku guuldareystay inuu shaaciyo lacagtaas ballaaran, waxaana dhaqdhaqaaqa lacagtaas ka shakiyay bangigiisa, kaasoo u gudbiyay Tracfin, hay’adda sirdoonka maaliyadeed ee Faransiiska ee la dagaallanta lacag-dhaqidda iyo macaamillada laga shakiyo.
Sida ay qortay wargeyska Le Monde, arrintan ayaa keentay in 2024 la furo baaritaan ay waddo Agaasinka Guud ee Booliiska Qaranka Faransiiska (DGPN).
Inkasta oo hay’adda arrimaha gudaha ee booliiska (IGPN) ay bishii Oktoobar hore u go’aamisay in aan tallaabo anshaxeed laga qaadin askariga, haddana DGPN ayaa ugu dambeyn qaatay go’aan adag, iyagoo ku qasbay askarigaas inuu hawlgab noqdo ka hor waqtigiisii.
XIGASHO LAACIB.NET

