Kylian Mbappe ayaa u dabaal degay goolkii uu dhaliyay

Advertisement

Paris Saint-Germain ayaa aqbashay dalabka rikoorka adduunka ee Al Hilal kaas oo ahaa 300 milyan oo euro (£259m) si ay ula soo wareegto Kylian Mbappe.

Kooxda reer Qatar ee PSG ayaa aaminsan in ugu yaraan shan kooxood ay xiiseynayaan saxiixa kabtanka France, iyadoo Tottenham la sheegay inay ka mid tahay, Sky Sports News ayaa fahansan.

Kooxda heysata horyaalka France ayaa siisay Mbappe ogolaansho uu kula hadlo kooxda Sacuudiga.

24-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa waxaa iibiyey kooxda heysata horyaalka Faransiiska, kuwaasoo sidoo kale ka saaray safarkii xilli ciyaareedka ee kooxdu ay ku tagtay Japan iyo South Korea.

PSG ayaa sheegtay in ay ku dari doonaan kaliya ciyaartoyda ay aaminsan yihiin in ay ka go’an tahay kooxda.

Xiriirka u dhexeeya Mbappe iyo PSG ayaa xumaa tan iyo markii weeraryahanka reer France uu sheegay bishii hore inuusan cusbooneysiin doonin qandaraaskiisa kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, markaasoo uu bilaash kaga tagi karo Paris.

Madaxweynaha PSG Nasser al Khelaifi ayaa sheegay in aysan ku fasixi doonin lacag la’aan.

Dalabkan ma ahan midka kaliya ee ay PSG heshay, sida laga soo xigtay madaxa wararka Sky Sports News, Kaveh Solhekol.

Kooxda Faransiiska ayaa sidoo kale lala xiriiriyay dalabyo kala duwan oo loogu talagalay Mbappe, oo ay ku jiraan lacag caddaan ah iyo ciyaartoy.

Kooxaha kale ee xiiseynaya ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Manchester United, Chelsea, Inter Milan iyo Barcelona.

Sida laga soo xigtay warbaahinta, kooxda Paris ayaa aaminsan inuu hore u ogolaaday inuu si bilaash ah ugu biiro Real Madrid xagaaga soo socda.

Marka laga soo tago Premier League iyo Spain, waxaa sidoo kale la sheegayaa inay xiiseynayaan saxiixa ciyaaryahanka ee kooxaha hogaaminaya Talyaaniga.

Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu ku kacay wax ka badan 150 milyan ginni markii uu ka soo wareegay Monaco

Previous articleQoyska xiddiga Newcastle United oo u duulay Mareykanka – si ay ula kulmaan Lionel Messi
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh” Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay curyaamiyeen abaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here