HomeWarkiiLa haystayaashii reer Koofur-galbeed oo laga sii daayay xabsig Gaalkacyo.

La haystayaashii reer Koofur-galbeed oo laga sii daayay xabsig Gaalkacyo.

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Guud ahaan dadkii ka soo jeeday dhulka Maamulka Koofur-galbeed ee lagu heystay Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ayaa dib u helay xoriyadooda kadib markii la xaliyay sabibihii loo xirtay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug qeybta Puntland  Faysal Jifajabsade oo warbaahinta u xaqiijiyay sii deynta dadkaasi oo sida uu horana u sheegay loo heystay diyada nin reer Puntland oo 20 sano ka hor lagu dilay deegaanada Koofurta Gabeed.

Gudoomiye Faysal wuxuu sheegay in la bixiyay diyadii loo heystay dadka xiran taasoo lagu qiimeeyay 40-kun doolar ,wuxuu xusay in 30 kun hada la shubay islamarkaana 10-kun oo harsan ay balanqaadeen odayaal ka socday la haystayaasha.

“odayaasha ka socday koofur-galbeed waxay keeneen 10-kun halka 20 kuna ay iska soo urursheen wasiirada Puntland qaarkood si arinta loo furdaamiyo sidaas ayaana ehalada marxuumkii hore loo dilay lagu wareejiyay 30 kun, 10-ka harsana waxaa balanqaaday odayaasha reer koofurgalbeed”ayuu yiri Gudoomiye Faysal

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 5 people and people smiling

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -