HomeCiyaarahaLa Ogaaday: Kylian Mbappe oo Konate ku qanciyay inuu Real Madrid kusoo...

La Ogaaday: Kylian Mbappe oo Konate ku qanciyay inuu Real Madrid kusoo biiro

XIGASHO LAACIB.NET

Saxafiga wayn ee Pepe Alvarez ayaa sheegay in xiddiga Faransiiska ee Real Madrid, Kylian Mbappé, uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu kooxda keeno Ibrahima Konaté oo ay hal dal ka wada yimaadeen, una ciyaara Liverpool, marka xilli-ciyaareedkan uu dhammaado.

Heshiiska Konaté ee Liverpool wuxuu dhacayaa xagaaga 2026, mana jiro wax horumar ah oo la taaban karo oo ku saabsan wadahadallada kordhinta heshiiskiisa, taas oo fure u noqon karta inuu kooxda isaga tago bilaha soo socda.

Real Madrid oo qorsheynaysa inay dib u dhisto difaaceeda xagaaga soo socda ayaa Konaté iyo Dayot Upamecano u aragta labada xulasho ee ugu muhiimsan ee lagu adkeyn karo booska daafaca dhexe.

Rabitaanka Los Blancos ee dhinaca difaaca ayaa imanaya iyada oo mustaqbalka David Alaba iyo Antonio Rüdiger uu mugdi ku jiro, maadaama labadooduba ay heshiiskooda kooxda ku egyihiin dhammaadka xilli-ciyaareedkan.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -