MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-La-taliyaha Madaxweyne Xassan ee dhanka Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa ka hadla cunaqabateyn xagga hubka iyo dhaqaalaha ah ee ay Dowladu saartay kooxda Alshabaab.
La taliyaha wuxuu sheegay in cunaqabteyntii hubka ee saarneyd Somalia hada loo rogay mid saaran kooxda Alshabaab.
Sidoo kale Xuseen Macalin wuxuu ka dhawaajiyay in xitaa Dowlada Somalia ay masuul ka tahay ogolaanshaha hub kasta oo Soomaaliya soo galaya sida maamul goboleedyada ama ajanabi caawinaya waxaa awoodaas iska leh Dowlada Somalia.
La-taliyaha mar uu ka hadlayay qaababka Alshabaab hubka ku helaan ayuu xusay inay tahay qaabab ay si farsameysan wax ku radshaan kuna helaan sida kuwa gacan ku rimiska ah isagoo tusaale u qaatay kuwa laga fasameeyo miikikooyinka la isku dar daro.
“dabcan Dowladu waxay la imaaneysaa qaabab looga hor tago kiimikooyinka ganacsiyada loo isticmaalo si looga hor tago in alshabaabku isticmaalaan”ayuu yiri la taliyaha.
XAFIISKA WARARKA
SIYAASADA DAYNIILE.COM

