HomeWarkiiLa-taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah oo weerar afka ah ku qaaday...

La-taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah oo weerar afka ah ku qaaday Maamulada Puntland iyo Somaliland.

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee xiriirka caalamiga ah C/naasir Cigge ayaa mar uu ka hadlayay dal-ku-galka Dowladu u badashay habka online-ka ah E-Visa ayuu si gaar ah u soo hadal qaaday cabashada iyo qaadacaada ka soo yeertay Maamulada Somaliland iyo Puntland ayuu  weerar afka ah ku ekeeyay.

C/naasir Cigge wuxuu sheegay labadaasi maamul hadiiba ay aaminsan yihiin inaysan Dowlada Faderaalka hoos iman uusanba quseyn qorshaha E-visa xili uu si jees jees ah ugu baaqay inay ku socdaan waxa ay aaminsan yihiin.

“E-visa haddii aad aaminsan tahay in Gobolkaagu DFS ka madax-banaan yahay ama uu Qaran gaar ah yahay, dal-ku-galka Soomaaliya maba ku quseeyo, inaad ka cabatana maaha ee wixii aad aaminsan tahay ku soco.” ayuu yiri C/naasir Cigge la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka xiriirka caalamiga ah.

Hadalka masuulkani waa mid miisaankiisu culus yahay oo dhaga-hadal ah islamarkaana muujinaya sii kala fogaanshaha maamulada waa weyn iyo Dowlada Faderaalka Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -