La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa ka hadlay xaalada Somalia sida ay noqon karto hadii ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Somalia.
Xuseen Macalin wuxuu ka deyriyay hadii uu soo dhamaado howlgalkan AUSSOM sida ay noqon karto Somalia marka la eego talaabooyinka ay qaadi karto kooxda Alshabaab oo hada dhul badan ka heysata Somalia.
“haddiiba ay ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Ilaah baan leenahay, waxaan is leeahay dowladnimada Soomaaliya inay sii jirto ayaa ku xiran” ayuu yiri Xuseen Macalin oo sii raacshay in Dowlada Somalia lahayn awood isku filnaansho oo dhanka amniga ah.
Inkastoo Dowlada ay aaminsan tahay inaysan u baahneyn shisheeye islamarkaana ciidamada Qaranku ku filan yihiin inay amniga dalka la wareegaan hadana waxaa jira siyaasiyiin badan oo aaminsan sida Xuseen Macalin.
Sarkaalkaan hore uga tirsanaa Dowlada wuxuu intaasi ku daray Ciidamada Dowladda Soomaaliya awood u lahayn inay amniga dalka la wareegaan hadii ciidamadda Midowga Afrika ka baxaan dalkeena.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
