MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-La-Talliyihii hore ee Amniga Qaranka Madaxweyne Xasan balse dhawaan shaqada ka tagay ayaa weerar afka ah ku qaaday hogaanka sare ee Dowlada Somalia isagoo eedeymo u jeediyay marka la eego sida ay dalka u maamulayaan.
La-Talliyihii hore Xuseen Sheekh Macalin wuxuu sheegay maanta Somaliya u baahan tahay masuul wadani ,wuxuu xusay in Dowladnimada ay ka horeyso in la helo bulsho awood leh sida uu warka u dhigay masuulkaani.
Mar uu ka hadlayay Hay’ada Qaramada Midoobe ayuu sheegay ineysan xiligaan Somalia kama shaqeyn inkastoo uusan sii sharixin ujeedka hadalkiisa.
“UN-ka hada kama shaqeeyo Soomaaliya waa laga guurey, waxaa loo baahan yahay marka shaqsi Soomaali ah oo gob ah oo mu’min ah oo hadana wadani ah,hadii la rabo in Dowladnimo sax ah la aado dee muslikaasi qawiga ah waa inuu qofka Soomaaliga ahi noqdo mid aan dadka qiyaameyn maskixiyana waanagsan ” ayuu ayuu yiri Xuseen Sheekh Macalin oo ka hadlayay munaasabad loo qabtay soo bandhigida buuga uu qorey ee la magac baxay Arragtida Dowladnimada
“Buugeyga Arragtida Dowladnimada wuxuu tilmaamayaa Soomaalida State-ka falaadka u baratay, State-ku maaha wax falaad ah, iyo howlaha yar yar ee aad moodo inaan Lotery ka shaqeyneyno,saas maaha State-ku”ayuu yiri La taliyihii hore ee Amnga Qaranka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
