HomeCiyaarahaLa xaqiijiyay: Manchester City oo dhammeystirtay saxiixa Marc Guehi

La xaqiijiyay: Manchester City oo dhammeystirtay saxiixa Marc Guehi

XIGASHO LAACIB.NET

Manchester City ayaa heshiis buuxa la gaartay kooxda Crystal Palace si ay ula saxiixato Marc Guehi, iyadoo heshiiskaas uu hadda yahay mid gabi ahaanba la dhammaystiray.

Sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano, u wareegista ayaa maraysa heerkii “HERE WE GO”, ka dib markii Crystal Palace ay aqbashay soo jeedintii rasmiga ahayd ee ka timid City. Qiimaha guud ee heshiiska ayaa la fahamsan yahay inuu ku dhow yahay £20 milyan.

Guehi ayaa horay u oggolaaday shuruudaha shakhsi ahaaneed, wuxuuna caddeeyay doonistiisa ku aaddan ku biirista kooxda, taasoo waddada u xaartay u dhaqaaqistiisa garoonka Etihad Stadium.

Xiddigan 25-jirka ah ee u ciyaara xulka qaranka England ayaa la filayaa inuu xoojiyo dookhyada daafaca ee Pep Guardiola, ka dib walaac laga muujiyay dhaawacyada ku yimid xiddigaha difaaca dhexe ee kooxda.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -