Difaaca Inter Miami, Jordi Alba, ayaa ka hadlay soo laabashada Lionel Messi ee Nou Camp, isagoo xusay in saaxiibkiis uu u qalmo sharafta ugu weyn ee garoonka.
Messi ayaa dhawaan lagu arkay gudaha garoonka dib loo habeeyay ee Nou Camp, taasoo dhalisay warar ku saabsan suurtogalnimada inuu dib ugu laabto Barcelona. Weeraryahanka reer Argentina wuxuu ka tagay Barcelona si uu ugu biiro Paris Saint-Germain bishii August 2021.
Alba ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsan inuu isaguna dib u booqan doono Nou Camp, wuxuuna yiri barnaamijka El Larguero:
“Maya, maya, uma maleynayo. Messi waa ciyaaryahankii ugu weynaa abid, wuxuuna u qalmaa in lagu wareejiyo furaha Camp Nou. Aniga waxaan imaan doonaa ciyaaraha si aan ula daawado qoyskayga oo aan ugu raaxaysto qaab kale.”
Difaaca reer Spain ayaa intaa ku daray in Messi uusan isaga kala hadlin arrintan, isaga na aanu waydiin. Alba ayaa xusay in mar walba uu si wanaagsan ula qabsan jiray cadaadiska, ha ahaado dhaliil ama amaan.
Alba iyo Messi waxay hore ugu ciyaareen Barcelona, iyadoo xiriirkooda saaxiibtinimo uu weli sii jiro.
XIGASHO LAACIB.NET

