Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaa in Ciidamada Booliska degmadaas ay duleedka Magaalada ka sameeyeen howlgallo kala duwan, kaas oo lagu soo qabtay waxyaaboi dhowr ah.
Howlgalka ayaa Ciidanka Booliiska Degmada Cadaado waxaa ay ku qabteen gaari iyo dadkii waday oo ay sheegeen iney soo jareen dhir farabadan maadaama Galmudug ay mamnuucday jarista dhirta ama Geedaha.
Talladaabadaan ayaa timid kadib markii ay warqad ay soo saartay Wasaaradda Bay’ada Galmudug ku amartay ciidamada ammaanka Galmudug iney qabtan dadka xaalufinta dhirta kawada degaannada Galmudug.
Dhanka kale Ciidamada Boosliska Degmada Cadaado ayaa dhowrkii bari ee la soo dhaafay waday howlgal ammaanka Degmada Cadaado iyo degaannada hoosyimaada lagu xaqijinayo, xili Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgal ka dhan ah Al Shabaab weli ka wadaan degaannada Galmudug.
Magaalooyin badan oo kuyaalla dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa aad ugu badan jarista dhirta laga shido dhxusha, waxaana Galmudug dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay waday howlgallo ay kula dagaalameyso dadka jara dhirta