HomeWarkiiLaas-caanood oo isu diyaarineysa soo dhaweynta Madaxda sare ee ka qeyb-galeysa xaflada...

Laas-caanood oo isu diyaarineysa soo dhaweynta Madaxda sare ee ka qeyb-galeysa xaflada calema saarka C/qaadir Firdhiye

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia ayaa aad looga datreemayaa qaban qaabada Xaflada caleema saarka Madaxeynaha Maamulkaasi ee dib loo doortay C/qaadir Aw-Cali Firdhiye.

Shalay waxaa si wen magaalada uga socotay qaban qaabada soo dhaweynta Madaxda sare ee Dowlada Somalia sida Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare Xamza kuwaasoo lagu arkayo sawiradooda oo lagu xardhay darbiyada Magaalada Laas-caanood.

Madaxweyne Xasan oo caleema saarka ay kala qeybgeli doonaan madax kale oo Dowlada iyo Maamul Goboleedyada ka kala socda ayaa la sheegayaa inay tahay markii ugu horeysay oo uu tago Laas-caanood noloshiisa oo dhan.

Ra’siiulwasaare Xamza ayay isna u noqoeneysaa markii labaad oo uu tago ,dhawaan wuxuu tagay markii uu qalqaalinayay aqoonsiga Dowladu siisay maamulkaasi iyadoo loo soo dhaweeyay si aan caadi ahayn,waxaa garoonka kaga hor tagtay kumanaan dadweyne ah .

Dhanka kale waxaa heerkii ugu sareeyay la geliyay amniga Magaalada Laas-caanood gaar ahaan garoonka ,madaxyooyada kumeel gaarka ah ee maamulka iyo halka munaasabada caleema saarka lagu qaban doono si loo xaqiijiyo amniga madaxda ka qeybgaleysa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of textMay be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -