Gaarisa (dayniiile.com)-Wararka laga helayo Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in laba Alshabaab ah ay duleedka Gaarisa kula qaraxday Miino sida la sheegay ay aasayeen.
Booliiska Kenya oo gaaray goobta ayaa saxaafada u sheegay in labadii Alshabaabka ahaa ay ku geeriyoodeen goobta ay minada ku aasayeen markii ay ku qaraxday intii ay diyaarinayeen sida Booliiska Kenya sheegeen.
Advertisement
Wadada dhankeena ayay ku aasi rabeen sida Booliisku sheegeen,sidoo kale waxaa baxsaday alshabaab kale oo la joogay kuwa dhintay.
Boolisku waxay intaasi ku dareen in kuwa baxsaday ay qabaan dhawacyo culus lamana oga run ahaanshaha warka Booliiska kenya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM