Wararka laga helaayo Gobolka Jubada hoose ee Maamulka Juballand ayaa sheegaya in halkaasi ay iska soo dhiibeen laba dagaalame oo ka tirsan Alshabbaab.

Labadaan nin oo iska soo dhiibtay Saaka deegaanka Baar-sanguuni ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ciidamo Ka tirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan 43-aad.

Xarunta Jubaland ee Kismaayo ayaa loo wareejiyay gaar ahaan xero ciidan oo Milatariga Soomaaliya uu halkaasi ku leeyahay.

Waxaa aad usoo badanaya dagaal yahanada Alshabaab ee dhanka Dowlada usoo wareegaya xili intooda badan ay ka cabanayaan hab  dhaqanka madaxda Alshababab taasoo ay ku sheegayaan asbaabta ay uga soo tagayaan inkastoo qubarada milatariga ay qaabab kale u dhigayaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleShir Janaale ka dhacay iyo Abaan-duuliye Amar ku bixiyay in bartiisa lagu dilo askarigii Isbaaro dhigta+Sawirro
Next articleWasiiru Dowlaha Gaashaandhiga oo Tababar u furay Saraakiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here