Ciidamada Dowlada Somalia ayaa gacanta ku dhigey laba nin oo loo heysto inay Alshabaab ka tiran yihiin Sida uu goor dhaw Warbaahinta Qaranka u sheegay Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceel-huur Maxamed Aadan
Labada nin ee la qabtay oo magacyadooda lagu kala sheegay

Maxamed iyo Aadan oo dhanka Alshabaab looga kala yaqaan
Xamseey iyo Yuusuf ayaa lagu qabtay duleedka Magaalada Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.
Guddoomiye Maxamed Aadan wuxuu sheegay inay sahan ahayeen islamarkaana loo soo diray dhanka Ciidamada  Dowlada iyo kuwa deegaanka.

“waxay miinooyin ka soo qaadaan Jeex-jeex, waxayna la soo aadaan dhanka wadooyinka Caad,waxaana qabanay iyagoo jidka waardiye ka haya”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka

Dhanka kale Gudoomiye xigeenka wuxuu cadeeyay in Nimankaan la qabtay ay eedeysanayaal yihiin islamarkana tuhumada qaarna qirsan yihiin sida in la soo direy iyo qaar ay inkarsan yihiin.

Advertisement

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXildhibaanada cusub ee Puntland oo saaka lagu wado in la dhaariyo
Next articleGudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland oo qaadacay liiska Xildhibaanada cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here