HomeWarkiiMaxkamada Ciidamada oo maanta xukun dil ah ku fulisay laba askari oo...

Maxkamada Ciidamada oo maanta xukun dil ah ku fulisay laba askari oo hore u dilay abaan-duuliyahoodii

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Laba askari oo ka tirsan Xooga Dalka gaar ahaan 1-ka Oktobar ayaa maanta meel fagaare ah lagu toogtay kadib markii dhawaan Maxkamada Ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah.

Mxamed Xuseen Buulle iyo Aadan Isaaq Yaroow (Salaad Koofi) waxaa lagu soo eedeeyay inay Alshabab ka heleen balanqaad 600 doolar sidaad daraadeedna ay ku ogolaadeen inay sariirtiisa miino ugu xiraan abaanduuliyahoodii Ururka Allaha u naxariistee oo lagu magacaabi jirey Ceydiid Maxaed Cali.

Fulinta Toogashada qisaasta ah ayaa ka dhacday furrinta hore ee dagaalka, Deegaanka Sabiid & Caanoole waxaana goob joog ka ahaa

Taliyaha ciidamada Milateriga Somalia General Odowaa iyo General Liibaan Cali Yarow oo ah Gudoomiyah Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida waxayna labadoodaba  digniin adag u direen ciidanka dowladda.

Labad eedeysane iyo haweeney lagu magacaabo Faadumo Sheekh Cali Mushaani waxay iska kaashteen miinada alshabaab laga keenay inay sariirtiisa ugu xiraan Ex.dhame Xooga Ceydiid Maxaed Cali abaan duuliyihii Ururka 83-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar Allaha u naxariistee.

Faadumo Sheekh Cali Mushaani ayay Alshabaab usoo dhiibeen miinada waxayna iyaduna ku wareejisay Aadan Isaaq Yarow kaasoo isna gudha xerada ugu geeyeey  Maxamed Xuseen Buulle kasoo isna sariirta uu jiifto Abaan-duuliyahooda ugu xirey miinada sidaas ugu qaraxday uguna geeriyooday sanadkii hore ee 2024-kii.

Si kastaba halkaan ka daawo muuqaalka warbixinta oo aan ka soo xiganay TV-ga Qaranka:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -