HomeWarkiiLaba Askari oo maanta lagu dilay Magaalada Garowe 

Laba Askari oo maanta lagu dilay Magaalada Garowe 

GAROWE (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu toogtay laba askari oo ka tirsan minishiibiyada halka laba kalana la dhaawacay.
Falkaani dhimashada iyo dhaawaca waxaa ka dambeeyay askari kale oo reer Puntland kaasoo ka carooday kadib markii ciidamada minishiibiyada ay kala wareegeen Moto Bajaj uu watay xili falkaasina uu ka geystay banaanka kore ee xarunta Taraafikada Garowe.
Askariga dilalka iyo dhaawaca geystay oo hal qorey hore u sii qaatay ayaa goobta ka baxsaday sida wararku tilmaamayaan, waxaana baadi goobaya ciidamada Booliika Puntland.
Laamaga amaanka Puntland gaar ahaan kuwa Garowe ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin falkaani sida arxan darada ah loogu laayaya ciidamada minishiibiyada xili ay shaqadooda heysteen,waxaana wali baxsad ah dilaaga.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -