Cadaado (dayniiile.com)- laba caruur ah oo kala ahaa wiil iyo abtigiis ayaa ku geeriyooday deegaanka dhuumoole oo ku dhaw Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud..

Labada Caruur oo biyo loo soo direy ayaa ku dhacay halkii ayba biyaha ka qaadi lahaayeen oo ah Barkad ay biya ku ijiraan sida ay sheegtay idaacada kulmiye.

Barkadaha iyo ceelasha baadiyaha sida la ogyahya afkooda lama daboolo waliba ceelasha  taasoo sahleysa in caruurtu ku dhacaan.

Si kastaba kastaba Labada caruur ah waxay dadka deegaanku sheegeen in maanta la aasayo madaama laga soo aaaray barkada iyagoo meyd ah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here