Dhuusa-mareeb (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusa-mareeeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya saaka lagu fashiliyay laba gaari oo walxaha qarxaha lagu soo raray.

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay ayaa sheegtayin  ciidamada ku sugan koontotoroolka laga soo galo Dhuusa-mareeb  ay ka hortageen qorshe Alshabaab ku rabeen inay Dhuusa-mareeb ku soo geliyaan gaadiid qaraxyad sida.

Advertisement

Warka dhanka Dowlada ka soo baxay wuxuu intaas ku daray in rasaas ay ku fureen Ciidamadu makeey faheen gaadiidkaai walxaha qara ka buuxeen sidaasna ay ku fashilmeen.

“Ciimada ayaa ku guulaystay in labada Gaariba ay uga hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb”ayaa lagu yiri warka Dowlada
Wariyayaasha ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa iyaguna soo sheegaya in labada gaari isku dayeen inay xoog ku soo dardaraan ciidamada ilaalada koontoroolka laga soo galo magaalada balse bananka lagu qarxiyay babuurtaasi walina wax khasaare ah ama faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin hauy’adaha amaanka Galmudug iyo Dowlada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleAxmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Wakiilka Midowga Yurub+Sawirro
Next articleKumaandooska Danab oo Howlgalo ka fuliyay deegaano hoos taga Maamulka Jubaland.+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here