HomeWarkiiLaba Maleeshiyo oo kala taageersan Liibaan Shuluq iyo Qoor-Qoor oo Caawa ku...

Laba Maleeshiyo oo kala taageersan Liibaan Shuluq iyo Qoor-Qoor oo Caawa ku dagaalamaya Degmada Ceelwaaq

CEELWAAQ (DAYNIILE.COM)-Wararka aan goor dhaw ka heleyno Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Galgadudu ayaa sheegaya in halkaasi uu caawa dagaal ka qarxay kaasoo u dhexeeya dadka deegaanka oo kala taageersan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Musharax Liibaan Shuluq.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waxyaabaha Dagaalka dhaliyay caawa ay ka mid tahay xaflad lagu taageerayo Liibaan Shuluq oo la hor istaagay inkastoo sababo kalana ay soo bixi karaan ,wali lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka madaama ay habeen tahay dhaq dhaqaaqa dadkuna yar yahay.

Madaxweynaha Galmudug waxaa Ceelwaaq u jooga Wasiiro maamulkiisa ka mid ah kuwaasoo u dhashay Magaalada, waxayna maamulaan gaadiid dagaal iyo ciidamo hoos taga Maamulka Galmudug halka Liibaan Shuluq isna uu taageerayaal hubeysan ku leeyahay isla Ceelwaaq.

Liibaan Shuluq oo ah Ganacsade reer Galmudug  ah ayaa ah musharaxa ka socda Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan wuxuuna raadnayaa inuu noqdo Madaxweynaha ama Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug sidaas daraad.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -