HomeWarkiilaba Masiibo oo ka kala dhacday Dalalka Afgaanistaan iyo Sudan oo ay...

laba Masiibo oo ka kala dhacday Dalalka Afgaanistaan iyo Sudan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2 kun ruux

Wararka ka kala imaanaya Dalalka Sudan iyo Afganistan ayaa kala sheegaya in laba masiibo oo kala duwan oo dalalkaasi ka dhacay inay sababeen dhimashada ku dhawaad 2 kun ruux marka la isku daro labada dal oo muslimiin wada ah.

Markaan u horeyno Dalka Sudan Dhul go’ ayaa burburiyay guud ahaan tuulo ku taal galbeedka gobolka Darfur ee dalkaasi Suudaan, waxaana ku dhintay dad lagu qiyaasay 1,000 qof, sida ay sheegeen jabhadda maamusha aaggaas.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in Ciidamada dhaqdhaqaaqa xoreynta Sudan ay soo saareen bayaan galin dambe oo isniin ah oo ay kaga warbixinayeen musiibada ka dhacday buuraha Marra ee gobolka Darfur.

Kooxda fallaagada ayaa sheegtay in dhul go’a uu dhacay Axaddii ka dib maalmo roobab xooggan ay ka da’ayeen aagga, tuulada Tarasin ayaa gebi ahaanba dhulka la simay, waxaana ka badbaaday hal qof oo keliya.

Dhanka kale Ugu yaraan 1,124 qof ayaa ku dhintay 3,251 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 6.0 uu ku dhuftay magaalooyinka iyo tuulooyin ka tirsan Dalka Afgaanistaan kuwaasoo aad ugu dhaw xadka Pakistan.

Hogaamiyaasha Taliban ee Afgaanistaan Maamula ​​ayaa ku baaqay gargaar caalami ah ka dib markii dhulgariirku uu geystay dhibaatooyin badan,sidoo kalana dad badan ay ku dhinteen, dhul gariirkaan ayaa dhulka la simay tuulooyinka oo dhan, taasoo sii xumeyneysa dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee awalba la daalaa dhacayay cunto yari iyo dhimista gargaarka shisheeye.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

Afghan volunteers and Taliban security personnel transfer injured men and boy to a military helicopter following earthquakes in the Mazar Dara village of Nurgal, a district of the Kunar Province, in Eastern Afghanistan, on September 1, 2025.EDITORS NOTE: Graphic content / TOPSHOT - Afghan men stand next to the bodies of earthquake victims in burial shrouds following earthquakes in the Mazar Dara village of Nurgal, a district of the Kunar Province, in Eastern Afghanistan, on September 1, 2025.TOPSHOT - An Afghan injured boy lays on a stretcher as he receives treatment at a field near damaged houses in the Mazar Dara village of Nurgal, a district of the Kunar Province, in Eastern Afghanistan, on September 1, 2025.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -