Ciidamada Dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolka Galgqduud ayaa gacanta ku dhigay Abdirisaq (Caluuke) iyo nin kale oo lagu magacaabo Ingiriis Fanaxeey Faarax oo daawo u raadinaya gacankudhiiglihii gubay xaaskiisa.

Deegaanka Gawaan ayay ciidanku ka qabteen iyaga oo mooto wata, dhanka Wisil ayaana loo kaxeeyay galabta sida uu bartiisa Facebook hada ku soo qorey Siyaasi Cali Yarre Cali oo ahaan jirey gudoomiye xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir xiligii Cumar Filish.

Advertisement

Talaabadaan waxay noqoneysaa mid hore loo qaaday hadii ay sax tahay warbixinta Cali Yarre oo Laamaha Amniguma xaqiijiyaan arintaasi.

Ragaan la qabtay waxay soo sahli kartaa qabashada gacan ku dhiiglaha.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxlamada ciidamada oo maanta xukuntay Nin ku eedeysnaa Alshabaan-ni
Next articleGacan ku dhiiglihii xaaskiisa gubay oo u gacan galay Sirdoonka Qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here