Duqeymo Gaza ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in caawa lagu dilay laba wariye oo u shaqeynayay Tv-ga Aljazeera
Allaha u naxariistee labada wariye waxaa lagu kala magacaabaa Anas al-Sharif iyo Mohammed Qreiqeh sida ay xaqiijiyeen labada Tv-yada Al-carabaiya .iyo Al-jazeera.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan degdeg ah iyadoo ay sii kordhayaan cambaareynta ka dhanka ah qorshaha Israa’iil ee ku aaddan qabsashada magaalada Qaza oo ay xoog ku barakicineyso ku dhawaad hal milyan oo Falastiiniyiin ah.
¹Weerarada Israel ee guud ahaan Marinka Gaza ee go’doonsan ayaa sii socda, waxaana ku dhintay ugu yaraan 52 falastiiniyiin ah, iyadoo tirada dhimashada ay sababtey gaajada Israel tan iyo markii uu dagaalka bilowday ay kor u dhaafeyso 217, oo ay ku jiraan 100 caruur ah. Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee caalamka, Buenos Aires ilaa London iyo Istanbul, waxayna ku boorinayeen madaxda caalamka inay tallaabo qaadaan oo ay soo afjaraan dagaalka Israa’iil ee Gaza.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMj
