HomeWarkiiLabada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta leh kulan xasaasi ah oo looga...

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta leh kulan xasaasi ah oo looga hadlayo wax ka badalka Dastuurka 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta Muqdisho waxay ku leeyihiim kulan xasaasi ah oo looga hadlayo wax ka badalka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5-aad illaa 9-aad  xili mucaaradku aad uga soo hor jeedaan qorshahaan.

Gudaha Baarlamaanka marka la joogo xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa muxaafadka waxaa muuqaneysa inay tira ahaan badan yihiin kuwa ku xiran Madaxyooyada ee muxaafadka ah waxaana ugu sareeya xil ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo xitaa Habdhowryada dhamaan waxay u janjeeraan siyaasada Madaxweyne Xassan.

Xildhibaanada Mucaaradka oo laftigooda tira macquula heysta ayaa maalmihii ugu dan beeyay waxaa ku soo biirayay Xildhibaano hore muxaafad u ahaa kuwaasoo didian wax ka badalka Dastuurka.

Kulanka Maanta Baarlamaanka waxaa la filayaa inay go’aan taariikhi ah ka gaaraan Dastuurka kaasoo muran badana uu hareeyay.

Kulanka oo ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayay dadka siyaasada daneeya isha ku hayaan madaama Madaxweyne Xasan iyo Gudoomiye Aadan Madoobe doonayaan inay meel mariyaan dastuurka cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad, taasoo hadii ay xitaa hirgasho shaki gelin karta qabsoomida kulanka u dhexeeya Dowlada iyo mucaaradka Golaha Mustaqbalka madaama ay aad u diidan yihiin in Dastuurka iyadoon heshiis lagu ahayn in Dowlada Xasan waxay rabto ka sameysato.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -