HomeWarkiiLabada Aqal ee Baarlamaanka Somalia oo maanta akhrinta 1-aad marsiiyay miisaaniyada Qaranka+SAWIRRO

Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia oo maanta akhrinta 1-aad marsiiyay miisaaniyada Qaranka+SAWIRRO

Muqdisho-Soomaaliya 15, November, 2025: Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa wadajirka ah ee afaraad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 139-xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-Senator oo Aqalka sare ah, waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta koowaad xeerka qoondada miisaaniyadda ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Wasiiru kuxigeenka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa mudanayaasha labada ee Baaelamaanka Dalka la wadaagay Akhrinta koowaad ee warbixinta miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo qeybaha ay ka koobantahay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray guddiyadda maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta labaad ee miisaaniyadda si ay uga doodaan mudanayaasha labada.

DHAMMAAD.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.

Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of daisMay be an image of daisNo photo description available.May be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, beard and people smilingMay be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, people smiling and daisMay be an image of one or more people, beard and suitMay be an image of one or more people, newsroom and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and newsroomMay be an image of one or more people, people studying, dais and textMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people, dais and newsroomMay be an image of one or more people, people smiling, headscarf and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, people studying, dais and textMay be an image of one or more people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -