Sida la sheegayo dhawaan waxaa shir ka furmi doonaa Xarunta Xalane ee looga arimiyo Soomaliya

Shirka ayaa lagu casuumay dhamaan Saamileyda Siyaasada Dalka iyadoona lagu go aamin doono habraac Doorasho ee 2021ka

Shirka oo horay saxiixayaasha uga mid aheyn madaxweynayaashii hore ayaa hada ka mid noqon doono taana waxay dhabar jab ku tahay Farmaajo oo Geed Dheer iyo mid gaaban ugu fadhiyey in aysa masuuliyiintaan ka soo dhex muuqan siyaasada dalka

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in ay kamid noqon doonaan saxiixiyaasha heshiiska doorashada Soomaaliya iyagoo matalaya mucaaradka.

Masuuliyiintaan ayaa la filayaa in ay ka qeyb geli doonaan shirka todobaadkaan ka dhacaya Xalane ee lagu go’aamin doono doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here