Maanta Waxaa adag Sida Midowga Afrika ugu guulaysan karo in si dhaqsi ah loogusoo laabto Miiska Wadahadalka, Sababtu Waxay Tahay Wixii ka dambeeyay fashilkii ula kaca ahaay ee shirkii Afasiyooni ku samaysay DFs, Waxaa Sii Adkaaday Xaaladda Siyaasadeed ee dalka,

Madaxdii puntland waxay u jihaysteen deegaankooda kadib Markii hal bil u fadhiyeen Muqdisho Wada hadal iyo heshiis doorasho, waxayna muqdisho kaduuleen iyagoo marqaati gashaday beesha caalamka cidda hortaagan in horay loo socdo, waxayna caawa joogaan deegaankooda oo ay maamul ahaan gacanta ku hayaan ,

Sidoo Kale jubbaland ayaa si lamid ah puntland uga dhooftay muqdisho,

Caasimadda Muqdisho oo ah meesha kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayso DFs, ayaa Xaafado kamid ah waxay noqdeen kuwo kabaxa gacanta dowladda,

Dfs waxay lumisay kaalintii ay lahayd bilo kahor, Maantana Waxa kamid tahay garan kamid ah garbaha isku haya Talada soomaaliya, puntland iyo jubbaland kuma Qanci doonaan wax kayar shir guud oo soomaali isugu timaado, wax waliba waxaa ka horeeya in DFs kalaabato Muddo kororsiga sharci darada ah, taasoo haday dhacdana dhabar jab ku ah Dfs, haday diidana dhabar jab ku ah Geedi socodka heahiis laga gaaro doorashada,

Si kastaba lama filanayo Shir ku Qabsooma dhaqsi oo dhinacyada soomaali isugu yimaadaan, Dhan walba waxaa ka taagan Caqabado ay si ulakac ah u abuurtay DFs, si waqtiga ugu dheeraado, laakiin taas ayaa dhalin karta dagaal ka qaarxa Caasimadda, dhinac Walba marka aad kafiiriso xaaladda waxaa kuusoo baxaya in Dfs ay xoogga saarayso horgalinta muddo kororsiga taasoo ay ku wareegsan tahay halis badan oo ay iska indha tirayso,

Waqtiga labada sano ee kudarsiga ah qayb kamid ah ayaan kuqaadan doonnaa Qalaalse siyaaaadeed iyo Xaalad aan lasaadaalin karin, waase hadii Dfs la imaan Tanaasul dhab ah Kana Tanaasulin damaceeda isku koolaynta Talada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here