Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo oo uu qeyb ka yahay wasiirka gaashandhiga XFS ayaa si diiran loogu soo dhoweyey degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Wasiirka Gaashan-dhiga XFS, Wasiirka Amniga, Wasiirka Bay’adda Agaasimaha Madaxtooyadda, iyo Saraakiil Ciidan ayaa qeyb ka ahaa Wafdiga Madaxweynaha ee maanta gaaray Magaalada Qansax-dheere.

Advertisement

Socdaalka Madaxweyne Laftagaren ee Magaalada Qansaxdhere ayaa daaran Qorshaha Qaran ee Ciribtirka Khawaarijta Al shabaab iyo Ukuura-gelida Baahiyaha ka jira Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

XIGASHO WARBAAHINTA MAAMULKA KOONFUR-GALBEED.

 

Previous articleDAAWO VIDEO: Danjire Tarsan iyo Wasiirka difaaca Kenya oo booqday ciidamo Somali ah caafimaad ahaan loo geeyay Nairobi
Next articleXeer ilaaliyaha Hirshabelle oo la mahacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here