Baydhaba (dayniiile.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/abdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhaabo ku qaabilay wafdi Dowlada Soomaaliya ka socday.
Wafdigaan oo ah Gudiga Arimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Sare Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaaladaha fatahaadaha ee dalkoo dhan saameeyay.
Sidoo kale waxay isla soo qaadeen Xoojinta Xiriirka Dowladdaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Arimaha Dib-Uheshiisinta iyo Dowlad Goboleedyada.
Dhulka Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ka mida ah kuwa uu saameynta ku yeeshay roobabka iyo dabeylaha Elnino, waxaana socda dadaalo ay isla wadaan Dowlada iyo Maamul Goboleedyada kuwaasoo iska kaashanaya wax ka qabashada saameynta Roobabka iyuo fatahaadaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM







