NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Koofurgalbeed C/casiis xasan Maxamed Laftagareen ayaa wareysiga uu bixiyay wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid tahay sida uu Baydhaba loga qabsaday ,qorshihiisa hada,sidoo kale Laftagareen wuxuu u muuqdaa inuu gardhigtay marka la eego kadib markii xukunka laga tuuray kadib.
Weerarka Dowladu ku qabsatay Baydhaba ayuu Laftagreen sheegay in ujeedku ahayn in isaga lagu duulay balse ay tahay in lagu duulay jiritaanka Dowlad Goboleedka Koofurgabeed sida uu warka u dhigay.
“Waxa loo jeeday aniga maaha ee waa Koofurgalbeed, haddii aniga la ii jeeday aniga waanba soo tagaye maanta Koonfur Galbeed ayaa jiri lahayd oo nidaamka federaalka ayaa shaqeyn lahaa, dastuukii Koofurgalbeed ayaa shaqeyn lahaa,Ra’iisul Wasaare uma soo magacaabeen Hogaamiye, Wasiir Arrimaha Gudaha ah oo aan deegaankiisa Guddoomiye u magacaabi karin kuma faaneen in uu Guddoomiye Gobol iyo Guddoomiye Degmo uu usoo magacaabo Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen
Dhanka kale Laftagareen wuxuu wareysiga ku sheegay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koofurgalbeed islamarkaana lagu doortay si sharci ah.
” waxaan ahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfurgalbeed ee la doortay, deegaankeenna waan tegi doonaa waana xorayn doonaa.” ayuu mar kale yiri Laftagreen
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
