Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Gobolka Baay Tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Ku maandooska Daraawiishta Dowlad Gobaleedka KG.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur oo khudbad ka jeediyay munaasabadda tababarka loogu soo xiraryay Ciidanka ku maandooska Daraawiishta ayaa sheegay in ay garaayaan tiradooda kuwaad 300 askari, iyaga oo noqonaya dufcadii todobaad ee ka baxda dugsiga.

Advertisement

May be an image of 3 people and outdoors

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidankaan ay ka rajeenayaan in ay wax badan ka qabtaan Amniga Deegaannada Koofur Galbeed, isaga oo carabka ku adkeeyay shaqada ugu horreysa ee laga doonaya Ciidankaan ay tahay isku furidda deegaannada Baay iyo Bakool “Ciidankaan waxa aan ka rajeeneynaa waajibaadkii, shaqadii iyo rajadii laga lahaa kuwii fuliya in ay noqdaan”

Sidoo kale Madaxweynaha Laftagareen oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Shaqada laga rabo Ciidankaan waxaa laga garan karaa sida aan iskuugu egnahay, kuwii hore ee tababarrada loo diri jiray iskumaanan ekaan jirin, maanta anniga iyo iyaga tababar ayaa naloola soo xiray, dagaal ayaan diyaar u nahay, dalka in la xorreeyo ayaa nalaga rabaa”

May be an image of 7 people, people standing and outdoors

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu mahadceliyay saraakiisha tababarka siisay Ciidanka ku maandooska Daraawiishta Dowlad Gobaleedka KG, isaga oo ku amaanay doorkii ay ka qaataan soo saarista Ciidankaan.

Guud ahaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la filayaa in Ciidanka maanta dhameestay tababarka ay kaalin ka qaadan doonaan dagaalka ka socda dalka gaar ahaan Gobollada Shabeelaha Dhexe, Baay iyo Bakool.