Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxa uu kala hadlay Dadkii Somaliland ay kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

May be an image of 8 people, people standing and suit

Laftagareen waxa uu la wadaagay hanjabaadda Somaliland ay u jeedineyso Shacabka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Sanaag si ugu yaraan xal loogu helo qoysaskaan qasabka lagu raafay.

May be an image of 2 people and suit

Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Soomaaliya, Danjiraha Midowga Yurub iyo xubno kale ayuu Madaxweynaha Koofur Galbeed u bandhigay dhibaatooyinka heysta dadka Somaliland masaafurisay.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda Madaxweynaha Koofur Galbeed wax ka weydiiyay arrimaha Amniga iyo Doorashooyinka Golaha Shacabka BFS ee lagu wado in ay ka dhacaan Magaalooyinka Baydhabo & Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here