HomeWarkiiLaftagareen oo qabanaya Shirkiisa jaraa'id ee ugu horeeya tan iyo markii xukunka...

Laftagareen oo qabanaya Shirkiisa jaraa’id ee ugu horeeya tan iyo markii xukunka laga tuuray

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Koofurgalbeed C/casiis Laftagareen ayaa warar ku dhaw dhaw waxay sheegayaan inuu Warbaahinta la hadlayo dhawaan markii ugu horeysay tan iyo markii xukunka laga tuuray.

Wararku waxay intaasi ku darayaan inuu  arimo xasaasi banaanka keeni doono taasoo salka ku heysa siyaasada a isku hayo.

Shirkiisa jaraa’id wuxuu kala saari doonaa wixii ka run ah warar baahay markii Baydhaba lagaga adkaaday taasoo ahayd inuu Dowlada lacag malaayiin doolar ah kaga badashay inuu dagaal la’aan kaga baxo Baydhaba.

Laftagareen hadii uu toos u weeraro siyaasada Madaxweyne Xasan islamarkaana faahfaahiyo arimaha dagaalka iyo sida looga adkaaday waxay cadeyn u noqon kartaa inuusan wax lacag ah qaadan balse hadii uu warkiisa noqdo mid u ek warbaahinta ka hor muuuqo oo kaliya taasina waxay ifineysaa inuu lacag qaatay.

Maalin ka hor wuxuu ka soo muuqday madal siyaasi ah oo Nairob ahi markiisii ugu horeysay inkastoo uusan hadlin.

XAFIISKA WARARKA  SIYAASADA 

DAYNIILRE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -