Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen uu Xafiiskiisa ku qaabilay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta Baydhabo gaaray.

Laftagareen oo kulan saacado qaatay la yeeshay Guddiga ayaa ka dhagaystay Warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshaha uga degsan sidii ay u qaban lahayeen Doorashada Xubanaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal Ciro iyo Guddoomiyaha Guddiga Hir-gelinta

Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Warbixin uga siiyey u diyaar garowga Doorashada golaha shacabka


Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here